Mandheera-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa weerar geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Weerarkan oo dhacay 02:00 Habeenimo ee saqdii dshexe ayaa la sheegay in uu ku bilowday Qaraxyo waxaana lagu qaaday dad deganaa Magaalada Mandheera oo aanan u dhalan Deegaanka.
Inta la xaqiijiyay 6 Qof ayaa ku dhimatay weerarkan halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, sida ay sheegeen Booliska Magaaladaasi.
Sidoo kale Booliska ayaa waxa ay sheegeen in ay soo badbaadiyeen tiro ka badan 20 Qof oo ka mid ahaa dadka Deegaanka ee weerarka lagu qaaday.



