Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Santi Cazorla ayaa sheegay inuu u saxiixi doono heshiis cusub kooxdiisa haddii loosoo bandhigo.
Cazorla, oo 31 jir ah, waxaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaagaan, laakiin waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay nolosha Emirates inkastoo wali wax heshiis cusub ah miiska aan loo saarin.
xidiga Spain ayaa Arsenal kaga yimid kooxda Malaga sanadkii 2012, waxaana lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Atletico Madrid , laakiin waxa uu sheegay inuu mustaqbalkiisa yahay kooxda Gunners.
Atletico Madrid waa koox cajiib ah,” Cazorla ayaa u sheegay Cadena SER. “Diego Simeone wuxuu sameynayo waa wax wanaagsan, ma fududa in la gaaro laba jeer Finalka Champions League iyo in lagu guuleysto horyaalka La Liga.
“Halkan oo Arsenal ah ayaan ku faraxsanahay aniga , waxaan saxiixi doonaa qandaraas cusub ayuu hadalkiisa raaciyay Cazorla


