Hoos u dhac ku yimid Qiimaha la iibiyo xoolaha

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa hoos udhac weyn laga dareemayaa Qiimaha la kala siisto Xoolaha gaar ahaan Ariga, maadaama dalka ay ka jiraan Abaaro aad u daran, kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada.

Suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla Xaafada Raadeelka ee Degmada Deyniile ayaa waxaa booqasho ku tagay xubno ka tirsan Risaala, kuwaasi oo u kuurgalayay qaabka halkaasi loogu iibiyo xoolaha.

Dadka qaar ee Xoolaha ku iibiya suuqa oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in hoos u dhac weyn uu ku yimid, qiimaha la kala siisto xoolaha, gaar ahaan Arriga taasina ay sabab u tahay Abaarta dalka ka jirta.

Waxa ay sheegeen markii hore neefka Arriga in la iibin jiray lacag ka badan 100$ balse hada uu yahay 70$ ama 80$, taasina ay cadeyneyso in uu is bedelay qiimihii hore.

Sidoo kale Gobolada qaar ee dalka waxaa laga dareemayaa hoos u dhaca ku yimid qiimaha la iibiyo xoolaha, gaar ahaan Arriga, Gobolka Hiiraan Neefka Arriga waxaa la iibinayaa 7$, Abaarta darteed.

Ugu dambenytii dadka iibiya Xoolaha ayaa cabasho ka muujiyay xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho mararka qaar, waxaana ay sheegeen in saameyn ay ku yeelatay.