Wasaaradda Gaashaandhiga Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay ka geysatay Waqooyiga Bari dalka Afghanistaan in lagu dilay hoggaamiyihii Daacish ee gobolka Kunar.
Ninka la dilay ayaa Madax ka ahaa Daacish-ta ku sugan gobolkaasi , waxaana lagu magacaabi jiray Abu Sayed.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay dishay hoggaamiyihii Saddexaad ee Kooxda Daacish u qaabilsanaa gobolka Kunar.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa inta badan beegsada goobaha ay ku sugan yihiin Hoggaamiyeyaasha Kooxda Daacish.



