Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka tirsan Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha Ciidamada isku dhafka ee loo soo sameynayo dalka.
Waxa uu sheegay Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya in uu ka go’an yahay in ay la shaqeeyaan xukuumada, ayna ku caawiyaan howlaha ay u hayaan dalka.
Sadiiq Warfaa wuxuu sheegay in ay doonayaan Ciidanka Soomalaiyeed in ay noqdaan Ciidan hal hoggaan leh, mideysan, isku dhaf ah, u adeega shacabka Soomaaliyeed, kana gudbay beel iyo koox gaar ah.
Sidoo kale xildhibaanka wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay u qalabeyn lahaayeen Ciidamada, ayna siiyaan wax walba oo ay u baahan yihiin.
Maalmo ka hor ayaa magalada Muqdisho waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii Golaha Amniga Qaranka, kaasi oo xoogga lagu saarayay sidii loo dhisi lahaa Ciidamo isku dhaf ah oo dalka uu yeesho.
Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa in Baarlamaanka Soomaaliya dib loogu celiyo arrinta la xiriirta dib u dhiska Ciidanka, si Baarlamaanka ay go’aan uga gaaraan.



