Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa sheegay in Talisyada Booliiska ee Maamul goboleedyada Dalka ay ka taageerayaan gaadiidka ay ku shaqeeyaan Ciidamada Booliiska.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan gaadiid ay ka heleen Midowga Yurub kuwaasi oo ay doonayaan in ay gaarsiiyaan Maamul goboleedyada Dalka.
Waxa uu tilmaamay in ay hada diyaar yihiin gaadiidka ay ugu tala galeen Maamulada Puntland iyo Galmudug islamarkaana ay yaallan Dekeda Magaalada Boosaaso.
Waxa uu xusay in Taliska Booliiska Soomaaliya uu diyaar u yahay in mar walbo uu si dhaw ula shaqeeyo Talisyada Booliiska ee Maamul goboleedyada Dalka.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in agab walbo oo loogu deeqo Taliska Booliiska Soomaaliya in ay la wadaagaayaan Talisyada Booliiska ee Maamul goboleedyada Dalka.
Dhawaan ayay ahayd markii Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya uu agabyo Ciidan oo ay ka mid ah ahaayeen Gaadiidka ay ku shaqeeyaan Booliska uu kala wareegay Midowga Yurub.



