DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in gacanta Al-Shabaab ay ku jiraan degmooyin badan oo ka mid ah meelaha hoos yimaada maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jubbaland aysan awoodin in ay Al-Shabaab ka saarto gobolka Jubbada Dhexe yo iyo sidoo kale degmooyin kale, waxaana Xukuumadda Soomaaliya uu ugu baaqay in midaasi laga taageero.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay Madaxweynaha Jubbaland Mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay xaqiijinta Ammaanka dalka oo dhan.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in dadka kunool Meelaha ay joogaan Al-shabaab aan la gaarsiin wax gargaar ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale golihiisa Wasiiradda ayaa ku shiray Magaalada Kismaayo , waxaana ka mid ah qodobadii laga hadlay Arimaha Ammaanka Jubbaland.