Hoggaamiyaha gobolka Catalan oo lagu xukumay in uu dalka kusoo laabto

Current mayor of Gerona and candidate for the Catalan Government's presidency Carles Puigdemont speaks during an investiture debate for the Catalan Government's presidency, at the Parliament of Catalonia in Barcelona on January 10, 2016. Carles Puigdemont, the man who has been chosen to lead Catalonia to independence from Spain, called today for the secession process to start in a speech to the wealthy region's parliament. AFP PHOTO/ LLUIS GENE / AFP / LLUIS GENE (Photo credit should read LLUIS GENE/AFP/Getty Images)

Maxkamadda Dastuuriga ee dalka Spain ayaa u sheegtay hoggaamiyaha gooni-goosadka ee gobolka Catalan Carles Puigdemont, in loo dhaarin karo oo keliya xilka madaxweynaha gobolkaasi haddii uu kasoo laabto safarka baxsadka ee uu dalka uga maqan yahay.

Kaddib kulamo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Madrid, ayaa maxkamaddu waxa ay xukuntay in Puigdemont ay qasab tahay inuu shaqsi ahaan kasoo hor muuqdo baarlamaanka Catalan, rasmi ahaana aan loo magacaabi Karin xilka madaxweyne inta uu ku sugan yahay dalka Belgium.

Hoggaamiyaha gooni-goosadka Carles Puigdemont ayaa wajahaya eedeymo ah qiyaano qaran iyo fallaaganimo uu ku abuurayo dhaqdhaqaaq madax banaan, waxaana uu wajihi doona xarig haddii uuu kusoo laabto waddanka Spain.

Carles Puigdemont, ayaana xiligaan la joogana ah musharaxa keliya ee xilka madaxtinimo ee gobalka Catalan.

Xaflada dhaarinta xilka madaxweyne ee Catalan ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta salaasada ee fooda inagu soo heyso.