Hodan iyo Kaxda oo ku balansan Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku tartami doona Degmooyinka Hodan iyo Kaxda oo Labaduba ka tirsan gobolka Banaadir.

Tartanaka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa sanadkan Taaba Galinaya Shirkadda Cabitaanada COCA COLA.

Labada Degmo oo Tartanka Galabta ka hor la hadlay Idacaadda Risaala ayaa sheegay in galabta ay diyaar uyihiin Tartanka.

Degmooyinka Hodan iyo Kaxda ayaa galabta waxa ay cayaari doonaan kulamadooda Labaad.

Tartanka ayaa galabta waxa uu bilaaban doonaa saacadda marka ay tahay 04:00 PM Galabnimo.