Hirshabeelle oo sameysatay Ciidamo Boolis ah “SAWIRRO”

Beledweyne-RisaalaFM- Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa magaalada Beledweyne gaar ahaan saldhiga magaaladaasi kula kulmay Ciidamo cusub oo Boolis ah oo aanan haysan nambarada ciidanka.

Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa gacantiisa ugu qaybiyay nambarada cadeynta ka mid noqoshada ciidamada Booliska Hirshabelle, kadib markii Saldhiga uu ugu tagay ciidamadan.

Wuxuu Ciidanka ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u gudanayaan shaqooyinka suggida ammaanka, wuxuuna u sheegay ciidanka inay saaran tahay masuuliyada amniga.

Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sidoo kale u sheegay ciidamada inay heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Maamulka, iyagana laga doonayo inay ka soo baxaan waajibaadka Qaran ee saaran.

Suggida ammaanka iyo daryeelka ciidanka ayuu sheegay inay tahay masuuliyadda koowaad ee ciidamada Booliska saaran, taasi oo looga baahan yahay inay si nidaam ah uga soo baxaan.