Booliska oo bilaabay baaritaanada la xiriira isku dhacyadii Ciidanka amniga

Muqdisho-RisaalaFM- Kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu guddi xaqiiqo raadin ah u saaray shaqaaqooyinkii shalay ka dhacay laba barkontorool oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa Booliska Soomaaliya waxa ay bilaabeen baaritaanada la xiriira arrintaasi.

Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee loo saaray arrintaas ayaa waxaa madax u ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka ammaanka.

Taliye Saacid oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milateriga ayaa xalay kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaystay saraakiil ka tirsan ciidamada.

Waxaa maanta lagu arkay Isgoyska Umbulutooriyo Ceel-gaab oo ka mid ah goobta ay shaqaadada ka dhacday Ciidamo Boolis ah iyo Rag khubaro ku ah baarista dhacdooyinkan oo kale, oo ay hoggaaminayaan rag ajaanib ah, kuwaasi oo baaritaan gaar ah ku haya goobtii uu ka dhacay iska hor imaadka iyo agagaarkiisa.

Ciidamadan oo adeegsanaya qalab lagu baaro dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ayaa waxa ay baaritaano gaar ah ka sameeyeen kontoroolka uu ka dhacay iska hor imaadka.

Sidoo kale saraakisha khubarada ah ee baaritaankan horkacayay ayaa la arkayay iyaga oo su’aalo ka weydiinaya arrintan shacabkii halkaasi ku sugnaa iyo Ciidamadii halkaasi ka akdhowaa ee aan qeybta ka aheyn falkan.

Sidoo kale Ciidamada ayaa intii ay wadeen baaritaaanka waxa ay labada dhinac ku jareen Gawaarida ay wataan, si halkaasi aysan ugu soo gudbin Gawaarida iyo dadka shacabka ah ee wadadaasi isticmaala.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay jawaab ka bixin doonaan dhacooyinkii shalay, ayna xiran yihiin raggii joogay barkontoroolada, baaritaanka ugu dambeeyana shacabka Soomaaliyeed lala wadaagi doono.