Hay’adaha Galmudug oo la amray soo qabashada maleeshiyaadka dilka geystay

Ku simaha madaxweynaha Galmudug ahna madaxweyne ku xigeenka Galmudug  Cali Daahir Ciid ayaa Tacsi u diray dhamaan qaraabada iyo eheladii marxuumintii maanta ku dhintay weerarkii arxan dhacay Deeganka Xirsi lugey.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Ciidamada amniga Galmudug awaamir ku siiyay in si dag dag ah aay howl galo u fuliyaan una soo qabtaan maleeshiyaadkii Dilalka Geystay.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabada iyo badbaada shacabka Galmudug isagoo sheegay in Tilaabo laga qaadi doono dadkii falkaas foosha xun geystay.