Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hawlgal xalay ay ka sameeyeen xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxa ay ku soo qabteen dad ku dhaw 15 qof, kuwaasi oo ka ganacsanayay Maandooriyaha.
Hawlgalkan raggan lagu soo qabtay ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii shacabka degan halkaasi ay xogta la wadaageen ciidamada ammaanka, iyada oo inta uu hawlgalka socday aanay jirin khasaare ka dhashay.
Dadkan la soo qabtay oo mid ka mid ah ay tahay haweeney ayaa waxaa la dhigay saldhiga booliska degmada Kaaraan, halkaasi oo lagula sameynayo baaritaano dheeraad ah, si sharciga loo horgeeyo.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan C/fitaax Xaaji Nuur ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan ay ku guuleysteen in hawlgalkaas uu u dhaco sidii loogu talo galay, islamarkaana ay la wareegeen goobtii lagu iibin jiray.
“Caawa waxaan albaabada isugu dhufanay xarumo si qarsoodi ah loogu iibin jiray Maandooriyaha xashiishka oo ah mid waxyeelo gaarsiiya maskaxda aadanaha, waxaana ka soo qabanay 14 rag ah iyo gabar”. ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaaraan.
Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa booliska ayaa maalmahan dambe kordhiyay hawlgalada ka dhanka ah burcad sifeynta iyo dadka ka ganacsada Maandooriyaha, kadib markii ay korortay cabashada ka soo yeertay shacabka.



