Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Galmudug iyoCiidamada Deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka wada Dhulka miyigaa ee koonfurta Gobolka mudug .
Howlgalka ayaa ka socda waqooyiga Caad waxayna ciidamadu ku guulaysteen in Alshabaab ka saaran dhulka miyiga ah oo ay ku sugnaayeen ,waxayna Ciidamada ayaa la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Cali-dhaabe iyo Deegaano kale oo oo ka tirsan gobolka Mudug
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in howlgalka weli socdo Alshabaabna laga saarayo dhulka miyga ah halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin .
Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Hawlgallada ka socda Koofurta gobolka Mudug dhawaan la soo gaba gabeyn doonno.



