Ciidanka NISA oo Halwgal dad badan lagu soo qabtay ka sameeyay Magaalada Baladweyne

Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta Hawlgal ka sameeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howl-galkan oo ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada ayaa waxa ay ciidanka NISA kusoo qabteen shabakad lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab qorsheysanaysay in ay kasii tallaaban gobolka Hiiraan.

Taliska Ciidaanka NISA  ayaa sheegay  in shabakadaan la qabtay ay doonayeen in ay gobalka Hiiraan ugu tallaabaan gobolka Galgaduud oo uu ka socdo howl-gal ka dhan ah Alshabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa maalmihii la soo dhaafay  waday howl-galo qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab,si do kalenya  oo ay ku dishay Xubno badan oo ka tarsan AlShabaab, iyadoo gobolada dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Alshabaab .

Hase ‘ahaatee ‘ Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo gaba gabaoobo wejiga koowaad e ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socdaDegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle