Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in mid ka mid ah taliyeyaashooda lagu dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan oo la rumeysan yahay in ay fulisay Israa’iil.
Wissam Tawil ayaa lagu soo waramayaa in uu ka tirsanaa kooxda Radwan ee ugu caansan, waxaana uu ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan Xisbullah ee lagu dilay rabshadaha hadda socda.
Militariga Israa’iil ayaan ka hadlin, balse waxay sheegeen in ay duqeeyeen bartilmaameedyada Xisbullah, taasoo jawaab u ah weerarrada xudduudaha ah.
Iska horimaadyadan ayaa waxa ay sare u qaadeen cabsida laga qabo in uu dagaal ka dhaco gobolka.
Xisbullah waa koox ay Iran taageerto oo awood ciidan iyo mid siyaasadeed ku leh Lubnaan. Sida Israel, UK iyo quwadaha kale ee reer galbeedka ayaa waxa ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa u sheegay askarta ku sugan xadka Lubnaan Isniintii in ay ka go’an tahay “inuu sameeyo wax walba oo lagama maarmaanka u ah soo celinta amniga waqooyiga”.
Illo ammaanka ee Lubnaan ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka ku dhintay duqeynta uu ahaa Wissam Tawil, halka midka kalena uu sidoo kale ahaa dagaalyahannada Xisbullah.



