Beesha Caalamka oo Warmurtiyeed ka soo saartay doorashadii Puntland

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeysay doorashada ka dhacday Puntland ka war saxafadeed ay soo saareen

War saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa u qornaa sidaan:

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka  waxay soo dhoweynayaan gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8da Janaayo 2024.

Waxaan ku bogaadinaynaa shacabka Dowlad Goboleedka Federaalka Puntland sida nabadda ah ee ay hanaanka u qabteen.

Waxaan ammaanaynaa dadaalka dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo doorashada lagu xaqiijiyay hannaan nabadeed laguna dhiirigeliyay dhammaan dhinacyada inay ilaashadaan jawi nabdoon. Khilaaf kasta oo la xiriira doorashada waa in lagu xalliyaa si nabad ah iyadoo loo marayo habab sharci oo ku habboon.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si xooggan u dhiirigeliyaan ka-qaybgalka weyn iyo ka-qaybgelinta macnaha leh ee haweenka iyo dhallinyarada ee geeddi-socodka  mustaqbalka. Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay inaan sii wadno taageerada dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan maamulka dimuqraadiga ah iyo in horumar laga sameeyo si loo gaaro doorasho cadaalad ah, daahfuran, oo toos ah.

Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya (KSA), Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.