Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo laga Fuliyay degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed gaar ahaan Ururka 8aad Guutada 18aad ee Gor-gor, ururka 291aad Guutada 29aad ee daljir iyo Ciidamada deeganka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiran, halkaas oo la sheegay iney isku Aruursanayeen xubno ka tirsan Alshabaab .

Howlgalka oo ay wadajir u hoggaaminayeen Abaanduuliyaha ururka 8aad guutada 18aad ee Gor-gor Naqiib Abdullaahi Xersi iyo Taliyaha Ururka 291aad Guutada 29aad ee Daljir G/le Cali Cadde, laga Fuliyay Saldhigyo  ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab oo ku yaala deegaanka Beero-yabaal oo hoostaga degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.