Boqorka Sacuudiga boqor Salman ayaa soo saaray Digreeto u ogolaanaysa haweenka Sacuudiga in ay gawaarida kaxeeyaan markii ugu horeysay.
Arrintan ayaa waxa si wayn ugu farxay dadkii u ololaynayay muddada dheer in haweenka loo ogolaado in ay gawaarida kaxeeyaan.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa ah dalka kali ah ee caalamka aan haweenka loo ogolayn in ay gawaarida kaxeeyaan.
Ilaa waqti xaadirkan ,ragga oo kali ah ayaa loo ogol yahay Laysinka darawalnimada islamarkana haweenka lagu arko iyaga oo gawaari kaxaynaya waxa ay halis ugu jiraan in la xiro ama la ganaaxo.
Ammaanta iyo soo dhawaynta loo jeediyay tillaabadan ayaa ka imanaysa gudaha Sacuudiga iyo caalamka intiisa kale.
Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay tahay tillaabo wanaagsan oo loo qaaday hormarinta xuquuqda Dumarka.
Sahar Nassif oo u ololayn jirtay in Dumar loo ogolaado in ay gawaarida kaxeeyaan ayaa BBC u sheegtay in ay si aad ah ay ugu faraxsan tahay go’aankan islamarkana markii ay maqashay ay damaashaad samaysay.
“Waxa aan hadda doonayaa in aan iibiso Gaarigii aan ku riyoon jiray,waxa uuna midibkiisa noqon doonaa madow iyo cagaar isku jira!”ayay si farxad leh u tiri Nassi



