Group H: Real Madrid iyo Tottenham oo guulo waa weyn gaareen

Kooxaha Real Madrid iyo Tottenham ayaa guulo waa weyn gaareen Guruub-ka H koobka horyaalada Yurub waxayna haatan labadaan koox wada leeyihiin min 6-dhibcood.

Real Madrid waxay 3-1 ku dubatay naadiga Dortmund sidoo kalena markii ugu horeesay ayay kusoo badiyeen garoonka Signal Iduna Park kulan Ronaldo labo jeer shabaqa soo taabtay.

Grathe Bale ayaa hogaanka u dhiibay Real Madrid daqiiqadii 18-aad waxaana caawinaad ka geestay Dani Carvajal kulan labada naadi fursad qaali ah iska dayaceen.

Qaybta labaad cayaarta Cristiano Ronaldo ayaa 2-0 ka dhigay daqiiqadii 50-aad kubad uu caawinaad ka geestay Grathe Bale.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa cayaarta xiiso u yeelay markii 2-1 uu kulankaan ka dhigay daqiiqadii 54-aad kulankaana wuxuu noqday mid xamaasad dheeraad ah yeeshay.

Balse Cristiano Ronaldo ayaa goolkiisa labaad la yimid daqiiqadii 73-aad wuxuuna cayaarta ka dhigay 3-1 ayadoo Luka Modric uu caawinaad ka geestay goolkan.

Dhinaca kale Harry Kane ayaa sedexleey dhaliyay kulankii Tottenham 3-0 guusha kaga soo qaadatay naadiga APOEL Nicosia.

Kane sedexleydiisa wuxuu ku dhaliyay daqiiqadaha 39-aad, 62-aad iyo 67-aad habeen xidigaan wacdaro aan caadi ahayn lasoo baxay.