Haweeney lagu eedeeyay in ay ka tirsan Daacish oo maxkamad la soo taagay

Haweenay loogu eedeeyey in ay ka tirsan kooxda Daacish ayaa la soo taagay maxkamad ku taala magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maxkamada ayaa isbuucii la soo dhaafay amar ku bixisay in la soo xiray Nuseyba Maxamed oo ah xaaska Maxamed Cabdi  oo la loo heysto in uu ka tirsan kooxda dowladda Islaamka ee Daacish.

Nuseyba Maxamed iyo Seygeeda Maxamed Cabdi ayaa lagu eedeeyay in ay qorshaynayeen in ay ka geystaan dalka Kenya weerar la mid ah midkii lagu qaaday Suuqa ganacsiga magaalada Nairobi  ee Westegate ,lakiin ay fashiliyeen ciidanka booliiska dalka Kenya.

Inkastoo dacwad oogayaasha dalka Kenya ay codsadeen in baaritaanka lagu kordhiyo waqti dheeri ah, hadana maxkamadda ayaa sheegtay in la tiigsan doono Nuseyba Maxamed sharciga Argagixisada .

Dhan kale dacwad oogayaasha dalka Kenya  codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo xiro labo nin oo lagu kala magacaabo Axmed iyo Faarax kuwaa soo lagu eedeeyey in ay xiriir kala dhexeeyey Nuseyba Maxamed.

Dhawaan ayey ahayd markii booliiska Kenya ay soo xireen Nuseyba Maxamed iyo Seygeeda Maxamed cabdi iyo gabar ay saaxiibo ahaayeen.