Haweeneeydaan oo lagu Magacaabo Silvia Constanca Romano ayaa waxaa ay u dhalatay dalka Talyaaniga,waxaana bishii November ee sanadkii 2018 laga soo afduubtay deegaano kamid ah Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo ay ka Shaqeyneysay.
Silvia Constanca Romano oo da’deeda lagu sheegay 23 jira ayaa muddo 18 Bilood ah waxaa lagu heystay Gudaha dalka Soomaaliya,waxaana la sheegay inay heysteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,balse ugu dambeyn laga soo furtay.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conti ayaa bartiisa Twitterka ku xaqiijiyey siideynta Silvia Constanca Romano, isaga oo u mahadceliyay Hey’adda Sirdoonka dalkiisa,hayeeshee uusan bixin faah faahino intaasi ka sii dheeraad ah.
Warar soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan in Haweeneydaan lagu heystay meel Muqdisho u jirta 30KM,isla markaana howlgal lagu soo furtay ay siwadajir ah uga wada qeyb qaateen sirdoonada dalalka Soomaaliya,Talyaaniga iyo Turkiga.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in haweeneyda ay haatan ku sugan tahay safaarada Talyaaniga ee Magaalada muqdisho,isla markaana Maanta oo Axad ah la filayo in loo qaado Magaalada Roma ee Caasimadda wadankeeda Talyaaniga.



