Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay halkaasi kufsi iyo dil ay ka geysteen.
Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka Kooxaha hubeysan ayaa Kufsaday haweenay Xaamilo ah , waxaana la sheegay kufsiga ka dib in ay dileen.
Haweeneyda Falkaan lagula ka kacay ayaa la sheegay in ay ka mid aheyd dadka degaanka, islamarkaana si weyn loo yaqaanay.
Dhacdadaan oo dhacday xalay fiidkii hore ayaana la sheegin cidda ka dambeysay laakiin magaalada ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku dagaalamayay maleeshiyo beeleed degga gobolka Sh/hoose.
Masuuliyiinta magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeelaha Hoose oo aan arrintaan kala xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan .
Magaalada Marka oo hadda aysan ku sugneyn wax maamul ah ayaa labada dhinac ee magaalada waxaa joogo maleeshiyaad horey ugu dagaalamay waxaana inta badan magaalada ka barakacay shacabkii ku noolaa.


