Nin hubeysan ayaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku weeraray Labo Dumar ah oo ku sugnaa Xaafadda Garsoor.
Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Mid ka mid ah Dumarka ayaa geeriyootay, sidoo kale mid kale ayaa dhaawac Culus uu soo gaaray.
Ninka ayaa la sheegay in xabado ku furay Haweenka oo ku sugnaa goob Dukaan ah ka dibna uu Baxsaday.
Ciidamada Booliska ayaa howlgallo hadda waxa ay ka waddaan Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo.
Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net


