Hatem Ben Arfa oo qorshaynaya inuu katago PSG suuqa janaayo

Laacibka reer France ee Hatem Ben Arfa ayaa qorshaynaya inuu isaga tago kooxdiisa PSG kadib 6-bilood oo uu la joogay.

CalcioMercato ayaa daaha ka qaaday in 29 jirkaan uu go’aansaday inuu katago PSG suuqa janaayo si uu ugu biiro koox uu ka helayo boos joogto ah.

Kooxda reer Turki ee Fenerbahce ayaa la soo sheegayaa inay amaah ku doonayso laacibkii hore ee Newcastle United, kaas oo xiliciyaareed kan boos ka waayay shaxda tababare Unai Emery.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Hatem Ben Arfa uusan doonayn inuu katago gudaha Faransiiska, warkaan ayaana u sii dhawaynaya kooxda Olympic Marseille oo dhankeeda doonaysa saxiixiisa.