DHAGEYSO WAREYSI: Howlgallo culus oo ka socda Koonfur Galbeed

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ka warbixiyay Howlgalada ka socda Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Maxamed Xasan Fiqi oo ah ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay Idaacdda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay guud ahaan Degaanada Koonfur Galbeed in ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Waxa uu sheegay Howlgaladan sidoo kale in Degaanada Koonfur Galbeed looga saarayo Dagaalyahanada Shabaab, loogana hortagayo weerarada mararka qaar ay geystaan.