Hanti Dhowraha Guud Qaranka ayaa baabi’iyay heshiis lagu kireeyay qeyb kamid ah Tiyaatarka Qaranka kadib markii ay cabasho ka keeneen Abwaaniin iyo Fanaaniin katirsan Hobalada Qaranka ee Waabari.
Xafiiska Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu si cad ugu xadgudbay nidaamka dowliga ah iyo shuruucda kale ee dalka.





