Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidamada AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM.
Kulanka ayaa looga wada hadlay amniga guud ee Galmudug, amniga doorashooyinka iyo sidii AMISOM gacan uga geysan laheed howlaha suggidda amniga ee ka socda deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka codsaday AMISOM in ay ka qeyb qaataan tababada ciidanka maamulka Galmudug.