Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya.
Kullanka labadan mas’uul ayaa yimid kadib markii gudoomiye Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal uu sheegay in mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha uu wali taagan yahay.
Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa ay isla garteen ayaa hadana wakaaladad wararka ee Dowladda Federaalka ee SONNA waxaa ay baahisay in Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiye Mursal ay isku fahmeen dhameynta xaaladaha hadda jira.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha ayay SONNA sheegtay in ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta Laamaha Sharci dajinta iyo Fulinta.
Qaar kamid ah dadka fallanqeeya arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ayaa aaminsan in kullankii dhexmaray Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Mursal uu yahay bilaw wanaagsan oo lagu soo afjari karo khilaafka haatan taagan.



