Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanta halkaasi ay ka bilaabatay hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Galmudug.
Xildhibaanada Galmudug ayaa dhageysanaya Khudbadaha ay jeedinayaan musharaxiinta si ay u doortaan midka ay ku qancaan.
Ilaa iyo Saddex Musharax ayaa ku tartamaya xilka Madaxtinimada maamulka Galmudug.
Xildhibaanada Galmudug ayaa lagu waddaa Saddexda Bishaan in ay doortaan Madaxweyne Cusub.


