Gudoonka Golaha shacabka oo gaaray go’aanno ka dhan ah Xildhibaan Xasan Firimbi

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray wareegto fadhiyada Golaha Shacabka looga joojiyay muddo laba bilood Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka.
Ganaaxa la saaray Xasan FIRIMBI ayaa bilaabanaya kalfadhiga lixaad ee soo socda, wuxuun sidoo kale ka mid yahay xilldhibaanno kasoo jeeda Jubbaland oo laga Jaray gunnada, kadib markii lagu eedeeyay inay ku kacaan falal isugu jira hor istaag kulankii Golaha Shacabka iyo diidmada saxiixa warqadda xaadirinta kulanka Golaha.