DFS oo Itoobiya ku eedeysay inay Hub sharci darro ah ka dejisay Kismaayo

WAR SAXAAFADEED

Dawladda Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhaq-dhaqaaqyada kasoo cusboonaaday xuduudaha ay la leedahay dalka Itoobiya iyo ficilada gurracan ee ay ka waddo dowladda Itoobiya.
Dawladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dawladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay  ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub Ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taas oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horaantii sanadkaan.

Kadib markii Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay Ku wiiqayso Amniga Dalka Sida, in ay Dalka kusoo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda Ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan.

Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle.