Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport waxaa ku soo dhoweeyay dhiggiisa dalka  Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita, iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, asagoo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaas.