Guddoonka Baarlamaanka oo u yeeray Xildhibaanada maqan

Abdiwali Sheikh Ibrahim Mudey, addresses House of the People and journalists after he was declared winner in the race for the First Deputy of the Speaker of the House of the People of the Federal Parliament in Mogadishu, Somalia on January 12, 2017. UN Photo / Omar Abdisalan

Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahin Muudey, ayaa u yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inay soo xaadiraan, iyadoo dhawaan la qorsheynaayo in Baarlamaanka la horgeeyo Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

C/wali Sheekh Ibraahin Muudey Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa sheegay Xildhibaanada safarada dheer ku maqan iyo kuwa kaleba inuu isugu yeeraayo inay dalka ku soo xaadiraan.

Wuxuu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in laga doonaayo illaalinta iyo midnimada Golaha Shacabka, maadaama Xildhibaanka uu yahay masuul qaran.

“Waxaan u yeerayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee maqan, meel fog iyo meel soke kuwa joogaba si ay u gutaan waajibaadka Dastuuriga ah, qof kasta oo fasax lahaa waxaan ka qaaday fasixii uu lahaa aniga oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye ku xigeenka.” Ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka.

“Xildhibaanada Feker waa ku kala duwanaan karaan, laakiin waa in la ilaaliyaa sharafta iyo karaamada Golaha Shacabka.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Somaliya.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay soo gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka , mooshinkaasi oo la qorsheynaayo in la horgeeyo Baarlamaanka dalka.