Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan dalka Turkiga, islamarkaana la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka hadlay Arrimo ay ka mid yihiin kala diradda Guddigii Maaliyadda ee Golaha Shacabka.
Gudoomiye Mursal, waxaa uu sheegay in uu berri dalka uu dib ugu soo laaban doono, islamarkaana baaritaano deg deg ah uu ku sameyn doono sidda ay wax u dhaceen.
Gudoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu hadda go’aan gaaro laakiin waxaa uu caddeeyay in la ilaalin doono xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo waliba dastuurka.
Waxaa uu tilmaamay in Guddiga Maaliyadda ay shaqadda u dhiibteen Golaha Shacabka, islamarkaana ay go’aan ka gaari karaan isla Golaha Shacabka.
Go’aankii uu qaatay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayuu sheegay in uu ahaa Mid shaqsi ahaan uu ku gaaray, islamarkaana baaritaano lagu sameyn doonto sax ahaanshiyihiisa.



