Xasan Xuseen Maxamed Wasiirka Amniga K/Galbeed ayaa xaqiijiyay in Ciidanka lageeyay Baydhabo ay horay u dalbadeen Maamulka K/Galbeed si ay uga caawiyaan ladagaalanka Al-shabaab iyo sugida amniga.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidanka loogu tala galay in ay ku suggaan Goobta ay ka dhaceyso doorashadda..
Waxaa uu beeniyay in ciidankaasi si xoog ah lagu keenay Baydhabo oo dowladda Soomaaliya ay doonayso in ay ku waxyeeleyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.
Xasan Xuseen Maxamed ayaa xusay in maamlaha soo socda Ciidamo la keeni doono Baydhabo si ay uga qeyb qaataan sugitaanka Ammaanka Baydhabo.
Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli ciidanka Maanta la geeyay Baydhabo ay walaac ka muujiyeen xildhibaanada kasoo jeedda Koonfur Galbeed ee ku jira dowladda dhexe ee Soomaaliya.



