Guddoomiye Cusub oo loo Magacaaabay degmada Marka

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa guddoomiye Cusub loogu Magacaabay degmada Marka oo ah Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa waxaa loo Magacaabey in uu noqdo Guddoomiyaha Degmada Marka ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana degmadaas ay aheyd mid ay xilkeeda isku hesyteen laba Guddoomiye oo kala ahaa Maxamed Cismaan Yariisow iyo Xasan Macalin Cumareey.

Wareegtada ayaa lagu xusay kadib markii la arkay baahida loo qabo isbedel dhinaca Maamulka ah iyo soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Guddoomiye Cusub loo Magacaabay degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Magalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa mudo sanado ah waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo sidoo kale ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda, hayeeshee dagaal beeleedyadii ka jiray degmadaas uu dhawaan soo afjaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Guddoomiyaha degmada Marka.