Guddoomiye Cusmaan Barre”Hir-Shabeelle waxaa ay noqotay maqaayad qof leeyahay”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe inay lunsadeen Hantida Shacabka ku nool deegaannada Maamulkaas.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Jowhar ayuu ku sheegay in uu hayo mooshin xilka looga qaadayo Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo uu sheegay in Xildhibaannada ay ku eedeeyeen musuq maasuq iyo ku tagrifal Awoodeed.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre inay soo faro geliyaan xaalada Hir-Shabeelle oo uu sheegay inay ku dhow dahay in lagu kala tago,isla markaana Madaxweynaha uu ka dhigay Hir-Shabeelle Maqaayad uu qof leeyahay.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle ayaa xoogeystay,iyada oo Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas ay labada dhinac la kala safan yihiin.