Jowhar-RisaalaFM- Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa ku dhiiragleiyay dadka degan degaanada Hirshabeelle in ay gacan ka geystaan sidii loo dhisi lahaa Gole degaan.
Sheekh Cusmaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inuu si aad ah u soo dhaweynayo in Gole degaan laga dhiso degaanada maamulka Hirshabeelle.
Kulamo looga hadlayay dhisida Gole degaan ayaa waxa ay ka socdaan degaanada Hirshabeelle, waxaana wada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka iyo Hirshabeelle.
“Maamul u sameynta Gole degaan aad ayaan ugu faraxsanahay, maxaa yeelay waxaan ognhaya hada in la magacaabo maamulada, magacaabisna waxaa ka fiican in shacabka ay ka timaado Doorasho, iyagu ay doortaan qofkii meteli lahaa”. Ayuu yiri Sheekh Cusmaan.
Bashiir Cali Daahir (Caana Booro), Radio Risaala, Jowhar



