Guddoomiyaha B/Hirshabelle oo magacaabay guddi ka shaqeeya dardar gelinta dagaalka Al-shabaab

Guddoomiyaha Barlamaanka maamulka Hirshabelle Dr-Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa Magacaabay Guddiga Amniga iyo dhiirigelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Guddigan uu magacaabay Guddoomiyaha ayaa ka shaqeyn doona dardargelinta howlaha dib u xoreynta deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan yahiin Hirshabelle iyo dhiirrigelinta ciidanka xoogga dalka, daraawiishta Hirshabeelle iyo ciidamada difaaca deegaanka.

Sidoo kale guddigu waxuu golaha uu soo gudbin doonaa talooyin, tusaalooyin, akhbaar iyo warbixino sugan oo ku saabsan xaaladaha dhabta ah ee ay ku sugan yihiin ciidamada naftood-hureyaasha ah ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka lagula jiro khawaajirta.