Guddigii loo Xil Saaray Arinta Qalbi Dhagax oo maanta Jawaab laga sugaayo

Guddigii loo xilsaaray in ay soo baaraan Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayaa Maanta lagu waddaa in ay jawaab ka bixiyaan baaritaanadii loo xilsaaray.

Guddiga oo ka koobnaa 15 xubnood ayaa waxaa la magacaabay Horaantii Bishii hore , waxaana loo qabtay in ay maanta oo ah 10 October ay jawaab keenaan.

Guddiga ayaa lagu Waday in Warbixintooda ka horjeediyaan Baarlamaanka, laakiin waxaa xusid Mudan in Maanta uusan jirin Kulankii Baarlamaanka.

Xubnaha Guddiga loo xil saaray Kiiska Qalbi dhagax ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Kulamo kala duwan oo ay la qaadanayeen Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay dowladda Itoobiya ay ku wareejisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka tirsanaa ONLF.

Arintaasi ayaa buuq badan ka dhexdhalisay Hay’addaha kala duwan ee dowladda.