Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay Qarax la beegsadeen ciidamo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool.
Qaraxaasi ayaa lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo maraayay degaanka Buurdhuxulle oo u dhaxeeya degmooyinka Waajid iyo Rabdhuure ee gobolka Bakool.
Waxaa ka dhashay Khasaare kala duwan, waxaana la sheegay in Qaraxa uu Qabsaday in mid ka mid ah Gawaarida dagaalka ciidamada Itoobiya.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in Qaraxa ka dib ay dagaal toos ah la galeen ciidamada Itoobiya.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Itoobiya ee la sheegay in la qarxiyay.
Al-Shabaab ayaa inta badan Qaraxyo la beegsada Ciidamada Itoobiya Xilliyadda ay ku safrayaan wadooyinka ku yaalla gobolka Bakool.


