Guddiga Maaliyadda & Ganacsiga BF oo sharci daro ku tilmaamay canshuur kordhintii Wasaaradda Maaliyadda

Muqdisho-RisaalaFM- Kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Guddiga Maaliyadda iyo Ganacsiga Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa ay sharcidaro ku tilmaamay canshuurtii ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen 30-ka Bisha April Wasaaradda Maaliyadda Somaliya inay ka doonayaan Baarlamaanka inay horkeento Shuruucda Canshuurta oo tifaftiran.

Canshuurta Iibka oo ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, ayaa waxa ay sababtay inuu hakad galo ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo ganacsatada ay iska diidaan bixinta Canshuurta Iibka.