Boosaaso-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa barqanimadii maanta toogasho ku dilay nin ay sheegeen inuu ahaa Argagixiso.
Ninkan oo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa la sheegay inuu doonayay in uu dil u geysto Askari ka tirsan Ciidanka Puntland, kaasi oo ku sugnaa goob Boosteejo ah oo Gaadiidka laga raaco.
Askariga ku sugnaa halkaasi oo helay xogta ninkan ayaa durba rasaasta kala horumaray ninka hubeysnaa, kaasi oo isla goobta ku geeryooday.
Meydka ninka la dilay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka magaalada Boosaaso, halkaasi oo saraakiisha laamaha ammaanka ay ku baarayaan ninkan iyo ujeedada uu lahaa.
Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada ay ku daba jiraan laba nin kale oo la socotay ninkan la dilay, kuwaasina ay gacanta ku soo dhigi doonaan.



