Waxaa weli Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay Magaalada Muqdisho ka wadaan Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo Maanta ay Shahaadada rasmiga ah siiyeen tiro Xildhibaano ah.
Xildhibaannada ugu horreeya ee Maanta Shahaadada la siiyay ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ahna musharrax Madaxweyne Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ku guuleysatay Kursiga Hop#262 & Xildhibaan Caasho Koos Maxamuud Cumar oo iyana loo doortay Kursiga Hop#211.
Guddiga ayaa weli wada diiwaangelinta & Shahaado siinta Xildhibaannada, waxaana la filayaa in ilaa Galabta ay wadaan howlaha Shahaada siinta, iyada oo Xildhibaano horleh ay kusii qul qulayaan Goobta ay howsha ka socoto.
Xildhibaannada degaan doorashadoodu tahay Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli qaadan Shahaadada marka laga reebo Saddex Xildhibaan, waxaana ay ka gadoodsan yihiin Saddex kamid ah kuraasta laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed oo Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay hakiyeen.



