SAWIRO:-Howlo Nadiifin ah oo laga bilaabay Suuqa Magaalada Hargeysa ee Gubtay

Dowladda Hoose ee Magaalada Hargeysa iyo Shirkaddo sigaar ah loo leeyahay ayaa saaka Suuqa waaheen ee Magaalada Hargeysa waxaa ay ka bilaabeen nadiifinta burburkii ka dhashay dabkii khasaaraha badan geystay ee dhawaan ka kacay Suuqaas.

Waxaa suuqa lagu arkayay Gawaarida Cagafta iyo Baldoosyada, kuwaas oo qaadaya burburka iyo qashinka dhismayaasha ka dhashay, si Ganacsatada Suuqa aaheen qofki awooda uu dib ugu bilaabo Ganacsigigiisa.

Guddoomiyaha degmada Gacan libaax oo kamid ah degmooyinka Somaliland ayaa sheegay in Shaqada ay wadaan mid intooda badan ay qabanaeyso dowladda Hoose , isla markaana howsha nadiifinta maalmaha soo socda ay sii socon doonto.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Magaalada Hargeysa in ay kaalintooda ka geystaan kaalinta looga baahan yahay ee howlaha nadiifinta ah, hayeeshee markii loo baahdo ay u yeeri doonaan.

Dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu noqday mid aad uga naxeen dadka Soomaaliyeed & Caalamka, waxaana ku khasaartay hanta lagu sheegay in ka badan 2 Bilyan oo Dollar, iyada oo Ganacsatada Suuqa ay helayaan gurmadyo kala duwan.