Cadaado-RisaalaFM- Maamulka Galmudug ayaa Guddi u xilsaaray shaqaaqo dhowaan ka dhacday xarunta Doorashada Cadaado oo xarun kMG u ah Magaalada Galmudug.
Wasiirka Howlaha guud ee Maamulka Galmudug Maxamed Maxmuud Guure ayaa dhowaan lagu xiray Magaalada Cadaado, kadib markii ilaaladiisa lagu eedeeyay in ay rasaaseeyeen xarunta Doorashada Aqalka Hoose.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa Guddi u xilsaaray shaqaaqadii dhowaan ka dhacday Magaalada Cadaado, waxaana Guddigan ay isugu jraan Wasiiro, Xildhibaano iyo Taliyeyaal ciidan.
Guddigan ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Wasiir ku xigeenka Cadaalada Maamulka Galmudug Maxamuud Guure Guuleed.


