Macalinka kooxda Manchester City Guardiola ayaa waxaa uu xaley ka yaabsaday aduunka kadib markii uu kuriga keeydka dhigay ciyaaryahan Joe Hart oo ahaa goolhaayaha koowaad ee kooxda Manchester City.
Guardiola ayaa xaley muujiyey in Joe Hart uusan boos ku lahayn kooxda City kadib markii uu kulankii koowaad ee Primer league safay goolhaayaha labaad ee kooxdaas Caballero.
Majalada Metro ayaa daabaceysa in Guardiola uu doonayo inuu soo qaato goolhaaya hada u dheela kooxda Sporting Lispon Rui Patricio kaasi oo ku guuleeystay koobka qaramada qaarada yurub ee Euro 2016.
Sidoo kale kooxda Manchester City ayaa dhanka kale lala xiriirinayaa goolhaayaha kooxda Barcelona Marc-Andre ter Stegen, waliba waxaa ay xidigaan Germany ku dooneysaa City £69million.
Qiimaha goolhaayaha kooxda Sporting iyo xulka Portugal lagu fasixikaro ayaa ah £38.8million , sida ay daabacday majalada Daily Ricord.
Macalinka reer Spain ayaa la dhacay qaab ciyaareedka goolhaayahaasi kaasi oo loo arko bedelka wanaagsan ee Hart.
Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dameeysa in Guardiola uu ka horyimaado qaab ciyaareedka Hart oo wax badan shabaqa u ilaalinayey kooxda Manchester City.


