Kooxaha reer Italy ayaa waxaa ay doonayaan inay ku dagaalamaan saxiixa ciyaaryahanka ku wanaagsan maareeynta khadka dhexe ee Rodrigo Bentancur kaasi oo u dheela kooxda reer Argentine ee Boca Juniors.
Dagaalkaan dhanka suuqa waxaa uu u dhexeeyndoonaa kooxaha kala ah Juvnetus iyo Ac Milan waxaana tartankaan gadaal ugu soo biirtay kooxda Juventus.
Xidigaan oo 19 sano jir ayaa waxaa uu si weeyn markii hore loola xiriirnayey inuu usoo dhaqaaqidoono kooxda Ac Milna , laakiin Milan ayaa had waxaa ay wajihidoontaa dagaal adag oo ku aadan dhanka Juventus.
”Haa , aad ayaan u xiiseyneynaa ciyaaryahan Bentancur , wali si wanaagsan ,” ayuu yiri Agaasimaha kooxda Ac Milan Giuseppe Marotta sida ay soo warineyso Corriere dello Sport.
Xidigaan ku wanaagsan khadka dhexe ayaa waxaa uu kamid yahay xidigaha ay ku tashato kooxda yar ee lagu maacaabo Boca tan iyo markii uu hormar wanaagsan uu ka sameeyey kooxdaas.
Bentancur ayaa heshiiska uu kula jiro kooxdiisa waxaa uu dhicidoonaa December 2018, waxaase bartilmaameed waali ah uu u nqoday kooxda Juventus taasi oo xitaa soo bandhigtay qiimaha xidigaan ay ku dooneyso oo ah €9.4 million
Sidoo kale warar kale ayaa waxaa ay sheegayan in ciyaaryahankaan ay indhaha la raacayaan kooxaha kala ah Real Madrid iyo Chelsea , laakiinwaxaa hada banaanka iskeenay Ac Milan iyo Juventus.


