G/sare Koofi oo loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Muqdisho-RisaalaFM- Gaashaanle sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya.

Magacabista Taliyaha waxaa idaacada Risaala u xaqiijiyay masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa horay u soo noqday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya  ee Gobolka Banaadir.

Ninkaan ayaa badalay Taliyihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Gen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo dowladdu ugu magacowday taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.